Somali News Top News

TOP NEWS: Muxuu ka dhiganyahay kulankii dhexmaray Danjire Keating iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Xaashi Carabey?

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ahna siihayaha xilka Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa kulan la qatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Kulankan oo ka dhacay xarunta xalane ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen arrimaha Abaaraha ba’an ee ka jira Deegaannada Galmudug iyo sida loogu gurman karo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Maxamed Xaashi Carabeey ayaa si qoto dheer uga warramay Xaaladaha adag ee ka jirta Deegaannada iyo Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo xusay inay ka sii darayso xaaladda abareed ee ka jirta Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay hay’adaha samafalka uga howlgeli doonana deegaannada Maamulka Galmudug si loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Saraakiil Dhalinyaro Ah Oo Loo Magacaabay Saldhigyada Booliiska Shibis Iyo Boondheere

admin

Daawo Sawirro) Boqol ruux oo ku dhintay musiibo ka dhacday gobolada Paradesh & Rajasthan

admin

Ra’isulwasaare kuxigeenkii Soomaaliya oo difaacay hadalkii Yuweri Museveni iyo xog cusub shaaca ka qaaday

Mohamed Abdirashid Abaajo