Animation

TOP NEWS: Musharixiin Dhowr ah oo Isaga Baxay Xarunta Golaha Shacabka oo Maanta ay ka socotay Dood-wadaag

no responses
Tuesday January 31, 2017 - 10:28 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maanta oo Talaado ah waxey aheyd Maalintii loo balansanaa in Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo qabto Dood Furan oo Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diyaariyay,iyadoo lagu waday in Dooda si Toos ah looga daawado Warbaahinta la iska arko ama TV-yada.

12 Musharax oo ka mid ah 24 Musharaxa ee u taagan in ay u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Bilaabay Dooda,waxaana Doodu ay ka bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka.

Dooda oo Mudo Kooban socotay ayaa lagu Wargeliyay Musharaxiinta in Dooda ay leeyihiin aysan Live aheyn oo aan laga daawaneyn Tv-yada.

Intaa ka dib ayaa Musharaxiintii Maanta Xaadiray Xarunta Golaha Shacabka ay iskaga baxeen Xarunta,waxaana ay sheegeen in Arrintaan ay Siyaasad ka dambeyso.

Magaalada Muqdisho laga soo bilaabo Xalay ilaa iyo Maanta duhurnimadii wax Intarnet ah kama aysan shaqeyneynin iyadoona aan la ogeyn Sababta Intarnetka looga jaray Muqdisho Maadama Maanta ay aheyd in Taleefishinada Soomalida ay si Toos ah dadka ugu tabiyaan Barnaamijka Dood-wadaaga Musharixiinta.

Musharaxiinta Maanta iskaga baxay Xarunta Baarlamaanka waxaa ka mid ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

C.naasir Maxamed Cabdulle

C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole

Saciid Dani

C.raxmaan C.shakuur Warsame

C.laahi Xasan

Sakariye Xaaji Cabdi

Saciid Ciise Maxamuud

Iyo Bashiir Raage Shiiraar