Animation

TOp News: Milkiilayaasha Hoteladda Xamar Iyo Dowladda Oo Isku Dhegan, Iyagoona Dowladda Ku Yiri…………………..(Tolow Maxay Ku Yiraahdeen, Maxeysa Isku Heystaan???)

no responses
Monday September 5, 2016 - 6:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxda hoteelada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay inay hal shardi ku aqbalayaan amar toddobaadkii tagay kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa kadib qaraxii hotel SYL ee Muqdisho sheegay in hoteelada looga baahan yahay inay amnigooda sugtaan, oo aysan isku haleyn dowladda.

“Waan suganeynaa amnigeena, laakiin waxay taasi ku dhaceysa hal shardi ah oo in dowladda ay isaga tagto Muqdisho, ama la baa bi’iyo wasaaradda amniga” Waxaa sidaas yiri mid ka mid milkiilayaasha hoteelada oo codsaday inaan la magacaabin sababo amni dartood.

Waxa uu sheegay in haddii wasaaraddii amniga ee dowladda ay shaabka u sheegeyso inay amnigooda sugtaan inaysan jirin sabab ay iyana u jirto, shacabkana canshuur looga qaado.

“Waa wax aad aan ula yaabay hadalka wasiirka, waxaan filaaa daacad kama ahayn ee carabkaa ka dafay, wasiir amni dadka ma yiraahdo amnigiina sugta” ayuu yiri milkiile labaad oo isna cabsi darteed codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu sheegay in wasiirka looga baahnaa inuu ugu yaraan shacabka ka codsado inay dowladda la shaqeeyaan ee aysan ahayn inuu yiraahdo amnigiina sugta.

Afartii sano ee jirtay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhammaan hoteelada magaalada Muqdisho, ama intooda badan waxaa weeraray kooxda Al‐Shabaab ayada oo aysan jirin xitaa hal hotel oo weerarkiisa ay ka hortagtay dowladda.