Animation

TOP NEWS: Midowga Afrika oo War Cusub ka soo saaray Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaliya Si Cadna u sheegay in Dalka soomaliya ay Ka bixi doona Sanadka…….

no responses
Saturday November 19, 2016 - 5:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

U qaabilsanaha ururka Midawga Afrika arrimaha Soomaaliya danjire Francisco  Jose Madeira ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in ururka Midawga Afrika uu wado qorshe uu ciidamada AMISOM Soomaaliya uga saarayo waxa ka dambeeya marka ay soo dhamaadaan hawlaha doorashada.

Francisco  Jose Madeira waxaa uu ku sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi in ciidamada AMISOM si tartiib ah Soomaaliya looga saarayo kadib doorashada sanadkaan ka dhacaysa waxaana uu sheegay in qorshahaan uu yahay mid go’aankeeda ay gaareen madaxda ururka midawga Afrika.

“Waxaa jira qorshe dhamaystiran oo aan ku doonayno inaan awooda dalka ugu wareejinayno madaxda dawlada lasoo dooranayo ciidamaeenana waxaa la bilaabayaa inay Soomaaliya ka baxaan doorashada sanadkaan dalka ka dhacaysa kadib” ayuu yiri Francisco  Madeira wakiilka ururka midawga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire Madeira waxaa uu sidoo kale sheegay inay hadda wadaan diyaarinayaan qiyaastii 10 kun oo askari oo Soomaali ah kuwaasoo loogu talo galay inay la wareegaan hawsha ay ciidamada midawga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale danjirahaan u hadlay ururka midawga Afrika waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaalida ah ee la diyaarinayo la qalabaynayo si ay u hantaan amniga wadanka waxaana uu intaa ku daray in waxa ka dambeeya marka la gaaro sanadka 2018 Ciidamada AMISOM ay si buuxda Soomaaliya uga faaruqayaan.

Wakiilka midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dawladaha ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda Soomaaliya oo ay dhana la safan sida uu yiri.

Ururka Midawga Afrika Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 20 kun oo askari kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab waxaana ciidamada AMISOM joogaan muddo ku dhawaad 10 sanno ah.