Animation

TOP NEWS: Maxay tahay sababta shaqada looga eryay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka jubbaland oo axmad madoobe uu….

no responses
Sunday May 28, 2017 - 3:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxay xilkii ka qaadeen oo kalsoonidii Xasaanada kala noqdeen Labo Xildhibaan oo katirsanaa Maamulkaasi.

Kulan ka dhacay maanta oo Axad ah Magaalada Kismaayo ayaa lagu Eryey Labada Xildhibaan oo kala Ah:

Maxamed Cali Yuusuf iyo C/qaadir Cali ibraahim waxaana taasi ay xiisad ka dhex abuurtay Kulankii Baarlamaanka.

Mudanayaasha Xilka qaadista sameeyey waxay ku Eedeeyeen Labada Xildhibaan inay Qaran Dumis wadeen sidaana ay Xasaanadii ku waayeen Xilka ay hayeen.

Jubbaland ayaa ka mid ah Dawlad Gobolleedyada hoostaga Dawlada Federaalka Soomaaliya,waxaana juujuub lagu hayaa Xildhibaanada,qaarkood ayaa laga soo musaafuriyey magaalada Kismaayo.