Animation

TOP NEWS: Maxay tahay Sababta Ciidanka NISA ay Xabsiga u dhigeen Wariye Xamza Maxamad oo ka tirsanaa TV-ga Caalamiga ee Al-Jazeera???

no responses
Wednesday October 19, 2016 - 9:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidanka Nabad Sugida Soomaliya ee NISA ayaa Xalay  Xabsiga Dhigay Wariye Xamza Maxamad oo u Shaqeeya Taleefishinka Caalamiga ee Aljazeera.

Xamza waxaa lala Xiray Laba Kaamira Maan oo Isaga la shaqeyneysay Iyadoona Ciidanka NISA ay Xabsiga u taxaabeen Wariyaha iyo Kaamira Maanada.

Lama oga Sababta ay Ciidanka NISA Xabsiga u dhigeen Wariye Xamza Maxamad oo ka tirsan Shaqaalaha Aljazeera ee Fadhigiisa uu yahay Magaalada DOHA ee Wadanka Qadar.

Dhinaca kale Isla Xalay Ciidanka NISA waxa ay dib Xoriyadiisa u siiyeen tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho Cabdi Aadan Guuleed oo sadexdii cisho ee lasoo dhaafay u xirnaa ciidanka Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Xog-hayaha Ururka Saxafiyiinta NUSOJ ayaa ka hadlay Xariga Wariye Xamza iyo sii deynta Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal ee Magaalada Muqdisho.