Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Deegaano ka tirsan Jubbada Hoose Xili ay soo baxayaan Warar sheegaya in…..

no responses
Monday September 26, 2016 - 7:10 under Somali News by Tifaftiraha K24

Wararka aynu ka Heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Diyaarado dagaal ay Duqeyn xoogan ka geysteen Deegaan lagu magacaabao Gaanjo-roon oo hoostagta Degaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa waxa ay dhacday Xiliga Saqda Dhexe ee Soomaliya waxaana Dadka ku Nool Tuuladda Gaanjo-roon ay sheegen in ay kusoo tooseen Daryanka Hub Culus oo diyaarado ay ku garaacayeen Fariisimo Alshabaab ay ku suganyihiin.

Ilaa hada Lama Oga Halka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeeyay Fariisimaha Shabaab ay ku leeyihiin Guunjo-roon oo Hoostagta Deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Duqeynta ka dib ay soo degeen Diyaaradaha Duqeynta geystay islamarkaana ay Nolol ku wateen Afar Qof oo la sheegay in ay Ahaayeen Dagaalyahanadii Horay ay u duqeysay Diyaarada.

Duqeynta Xalay dhacday Lama sheegin Qasaaraha ay geeysatay Iyo Cida Bartilmaameedka uu ahaa waxaana Dhowr jeer oo Hore sidan oo kale ay Diyaarado dagaal  Duqeyn uga geesteen Deegaano ka tirsan Jubbada Hoose oo Alshabaab ay Maamulaan.