Somali News

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Xalay ka dhacay Difaaca Hore ee Ciidamada Xooga ay kaga jiraan Baraawe?????

Gudoomiyaha gobalka shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali ayaa waxaa uu kormeer ku tagay Cawa Difaacyada Hore ee Ciidamada Xooga Dalka ay kaga jiraan duleedka Degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Gudoomiyaha G/Sh/Hoose ayaa ciidamada xooga kula dardaarmay in ay Amniga adkeeyaan si daacad ahna ugu adeegaan Qaranka kana fogaadaan wax kasto oo dhib ku ah dadka ku dhaqan goobaha ay joogaan una ixsaan falaan.

“waxaan ku farxsanahy booqashada aan cawa halkan aan ku joogo waxaana idin kaga mahadceliyaa dadaalka aad ugu jirtaan ladagaalanka kooxaha dhibka ku hayo Umada soomaaliyeed, waxaana idin ku boorimayaa in aad Amniga adkeysaan si daacad ahna ugu adeegtaan Qaranka “ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose

Mudane Ibraahim Aadan Cali oo maalintii labaad booqasho ku joogo isaga iyo Maamulka cusub ee loo magacaabay  magaalada Baraawe ayaa waxaa uu kulumo la qaatay Odayaasha Dhaqanka Dagmadaasi waxuuna kala hadlay sidey ula shaqeen lahaayeen maamulka cusub ee dagamada loo soo magacaabay .

Maalinimada Barito ah ayaa lafilayaa in maamulka cusub ee loo soo magacaabay dhawaan dagmadaasi uu si rasmi ah ugula wareego xilkaasi maamulkii horey halkaasi ugu arimin jirey, waxaana laguwada in ay ka soo qeeb-galaan qeybaha kala duwan ee Bulashada halkaasi ku dhaqan.

Related posts

Madaxweyne Xaaf diyaar u ah in uu la heshiiyo Dowladda Federaalka Balse Codsi u diray Dowladda

admin

Daawo:Barnaamijka Damaashaadka Banaadirtimestv oo Todobaadkaan aad u Xiiso Badan

admin

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee hirshabelle oo ku goodiyay in uu kusii shaqeyn doono beledweyne

Tifaftiraha K24