Animation

Top News; Maxaadan ogeyn oo saakey ka cusub shirkii Jowhar (War Aan Wanaagsaneyn baan idinkaga wadnaa)

no responses
Monday September 19, 2016 - 6:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Nabadoon Cismaan Maxamed Abuukar oo ka mid ah Ergada ka qeyb galeysa Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ergadii ay ku kala tagtay Shirka Jowhar kadib markii shalay illaa xalay uu Ismari waa xoogan soo kala dhex galay Odayaashii dhaqanka Shirkaasi u matalayay Beelaha dega labadaasi Gobol.

Mar uu la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Muranka ugu badan uu ka taagnaa qaabka awood qeybsiga maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyadoona taladii Shirka loo gacan galiyay Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa shaki galiyay in IGAD ay ka mira dhalin karto maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan waxa uu Magaalada Jowhar ka furay Wajiga labaad ee Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo horay shirkaasi ay u qaadaceen qaar ka mid ah Ergooyinka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Facebook Comments