Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo Xili Habeenkii Xalay Magaalada ay Dul wareegayan Diyaarado ay…..

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 6:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Saakay ka Heleyno Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Xiisad ay saakay ka jirto Galbeedka Koonfureed ee Magaalada taasi oo u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee Halkaa isku Horfadhiya.

Maalmihii Ugu Dambeeyay Galkacyo Xaalkeeda wuxuu ahaa Mid dagan Inkasto Magaalada ay aheyd Mid Cidlo ah oo Ganacsigeedana uu ahaa Mid Gabaabsi Maadama dadkii ugu badnaay oo lgu qiyaasay ilaa 50,000 ay ka Barakaceen Dagaaladii ka dhacay Magaalada sida ay sheegtay Hey’adda Qaramada Midoobay ee UN OCHA loo gaabiyo.

Dad ku sugan Galbeedka Magaalada oo Xiriiro aan la sameeynay ayaa waxa ay noo sheegen in Saakay Xiisad iyo dhaq dhaqaaq Ciidan uu ka jiro Magaalda Taasi oo ay wadaan Labada Ciidan.

Dhanka kale Habeenkii Xalay Magaalada gaalkacyo waxaa Lagu arkay Diyaarado dul wareegaya Bartmaha Magaalda waxaana la sheegay in Diyaaradaha Qumaatiga u kaca in ay yihiin kuwaasi oo ka soo Kacay Garoonka Galkacyo.

Dadka Galkacyo ayaa Xalay waxaa soo Wajahday Cabsi xoogan oo ku aadan Diyaarado Jawi Hoose ku socda oo Magaalada qeybo kamid ah Dul heehaabaayay waxaana diyaaradaha ay isugu jireen Kuwa Qumaatiga ukaca ee loo yaqaan Helikobtar iyo Kuwa Droneska ah ee wax Basaasa kuwaasi oo ay inta badan Isticmaalan Dowlada Mareykanka.

Warar Hoose oo ay Heleyso kismaayo24 ayaa waxa ay sheegayan in Ciidanka Mareykanka ee Saldhig ku lahaa Banaanka Magaalada Galkacyo in halkaasi ay ka guurayeen Inkasto warkaasi uu yahay Mid Madax Banaan oo qiimeyn ay ku socoto.

Dowlada Mareykanka Dhawaan waxa ay Duqeyn ku dishay Ciidan ka tirsan Galmudug ka gadaal Markii Sirdoonka Mareykanka Xog qaldan ay soo siiyeen Saraakiisha PIS-ta Puntland taasi oo ku aadana in Galkacyo ay dhaq dhaqaaq ka wadaa Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Alshabaab sidaasina uu Mareykanka kusoo Kiciyay Diyaarad Drone ah oo Duqeyn la beegsatay Ciidan ka tirsan Galmudug waxaana Mareykanka uu sheegay in Ficilkaasi uu Baaritaan dheeraad ah ku Sameyn doono.

Raisul Wasaaraha soomaliya ayaa Waan waan Nabadeed ka dhexwada Labada Maamul Iyadoona ay xusid mudantahay in Maalintii Shalay la Magacaabay Gudi Labada Maamul ka kooban oo u kuur galaya Xalinta Khilaafaadka iyo Daminta Xiisada Dagaal ee Galkacyo kusoo Laab laabatay.