Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo sheegaya in ay ka Bilowdeen Magaalada Cadaado??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 7:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee Galmudug waxaa Maanta ka Bilowday Diiwaan galinta Musharixiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Hoose.

Afhayeenka gudiga hirgalinta doorashooyinka heer dawlad goboleedka  Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku loomamaya kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka.

Afhayeenka oo magaalada Cadaado kula hadlay qeybaha saxaafadda  ayaa  sheegay in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka,isagoo intaa raaciyay  in ay bilaabayaan sameynta  kaararka aqoonsiga ee ergada.

Afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka ee dawlad goboleedka  Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ,ayaa sheegay in guddigaasi ay u qabsoomeen howlo badan oo ka mid ah kuwa loo idmaday,isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay si degdeg ah u soo afjaraan kaalintooda

Afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka ee dawlad goboleedka  Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud  ayaa sheegay in dhawaan xubnaha dhiman ee Ergada maalmaha soo socda ay soo dhamaystirmi doonaan, si loo suura galiyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka ee kuraastoodu taal Cadaado.

ka dib doorashadii xubnaha aqalka sare ee ka dhacday dawlad goboleedyada dalka, ayaa hadda waxaa isha lagu wada hayaa doorashada aqalka hoose oo iyana la filayo inay si habsami leh ku dhacdo.