Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Galkacyo kadib Dagaal shalay dib uga Qarxay Galbeedka Magaalada???? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Tuesday October 11, 2016 - 8:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka aynu saakay ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Magaalada laga dareemaayo Xaalad Kacsanaan ah Kadib Dagaal culus oo Xalay Duleedka Magaalda ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo kuwa Puntland.

Magaalda waxaa Markale ka bilowday Barakac xoogan oo ay sameeynayan Dadka Fara ku tiriska ah ee Galkacyo ku Haray waxaana dadka ay hada kuu sheegayan Markaad wareysato in ay ka Rajo dhigeen In Galkacyo ay kusii sugnaadaan maadama Markasta uu dhici karo dagaal.

Ciidanka Labada Maamul ayaa weli Is horfadhiya Inkasto saakay aysan Jirin Xabad laga maqlaayo Galbeedka Magaalda Hadana Xaalada Markasta Cabsi baa ka jirta oo Ciidanka in Markale ay isku dhacaan .

Dagaalkii shalay Gabal dhicii Galkacyo ka dhacay Waxaa qasaaro kala duwan uu ka soo gaaray dad shacab ah iyadoona dhaawacyada Dadka Rayidka ah la dhigay Cisbitaalo ku yaala Koonfurta iyo wuqooyiga Magaalda Galkacyo oo Labada Maamul ay ka kala taliyaan.

Waxgaradka Labada Maamul ayaa ku Howlan Daminta Colaada Galkacyo waxaana Odayaasha Dhaqanka ay isku dayayaan in Markale Xabad aysan ka dhicin Magaalada Galkacyo.

Facebook Comments