Somali News Top News

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Baydhaba Maxaadse ka ogtahay Xogta la xiriirta Shirka Madasha ee Maanta lagu ….

thumb.phpMagaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socda qaban qaabadii ugu xooga badneyd ee ku aadan shirka Madasha wada tashiga qaran oo la filaayo in Maanta uu ka furmo Magaalada baydhaba .

Ammaanka guud ee Baydhaba aya la adkeeyay maanta waxaana jirta in ciidamada ay sameynaya howlgalo xiriir ah oo ka socda qeybaha ay baydhaba ka koobantahay.

Ciidamada ayaa gabi ahaan mamnuucay gaadiidka yaryar iyo kuwa muraayadaha madow waxa ayna baaritaano adag ku hayaan gaadiidka raaxada.

Dhinaca kale waxaa magaalada weli ku soo qul qulaaya wufuudii ugu dambeysay ee shirka ka qeyb galeysay maadama madasha lagu balansanyahay in maanta ay furanto hadii war kale uusan soo bixin oo ku aadan in uu baaqday shirka.

Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa la filaaya in magaalada ay soo gaareen sidoo akle xubnaha beesha caalamka ayaa iyaguna lagu wadaa in shirka ay qeyb ka ahaadan waxaana muuqata in magaalada baydhaba ay aad ugu diyaar garowday shirka madasha wadatashiga hogaamiyayaasha qaran.

Shirkaan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Hogaamiyaasha Soomaalida waxaana looga hadli doonaa qaabka loo wajahayo Doorashada 2016 Dalka ka dhacaysa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan shalay ayuu dib ugu laabtay Baydhabo isagoona soo kormeeray goobta loou tala galay in shirka uu ka furmo taasi oo ku dhextaala Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed waxaana shariif Xasan uu sheegay in 22 Bishan uu shirka si Rasmi ah u furmi doono Maanta ayeyna ku beegantahay 22 bisha .

Hadaba daqiiqad daqiiqad ula soco wixii ku soo kordhaa wararka magaalada Baydhaba iyo Shirka Madasha oo Manta lagu wado in uu Furmo Insha allah k24 ayaa u diyaar ah in ay idin soo gudbiso wararka deg dega ah ee la xiriira shirka madasha ee baydhaba ka furmi doono.

Related posts

Daawo Safiirka Emaraadka oo Kismaayo garay iyo Mashaaric u…..

admin

Lo spettro dell’accordo di Kampala su Mohamud/ The spectrum of the Kampala on Mohamud

admin

Wiil Walaashiis ku Dilay Degmada Balcad

admin