Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay Dagmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay??? War ayaan idin kaga heynaa

one response
Monday November 14, 2016 - 3:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wararka ka imaanaya degmada Buur-hakaba ayaa sheegaya in laba qarax lala helay Askar iyo saraakiil katirsan maamul Koonfur galbeed .

Khasaara nafeed ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay siyaaba kala duwan uga dhacay degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay isku imaatin ay ku sugnaayeen Askar iyo Saraakiil waxaa lagu dilay 5 qof oo uu kamid yahay ku Simihii Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba iyo 2 askari oo ilaala u ahaa.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa la sheegay in uu ka dhacay halka loo yaqaan Magaalo jecel Iyadoon Halkaasi ay kulan ku lahaayeen Mas’uuliyiinta maamulka Degmada Buur-hakaba.

Sidoo kale qarax ayaa Saakay waxa uu ka dhacay Saldhiga Booliska Dagmada Buur-hakaba waxaana ka dhashay Qasaaro kala duwan oo isugu Jira Mid Nafeyd iyo Mid dhaawacba.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna waxaa saldhigga Buurhakaba iyo hareerihiisa isku gedaamay ciidamo katirsan maamulka Shariif Sakiin.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku dhintay guddoomiyihii degmada Buur-hakaba oo qabay dhaawac horay ugasoo gaaray qarax lagula beegsaday saldhigga degmadaasi waxaana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay  Al Shabaab.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

One thought on “TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay Dagmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay??? War ayaan idin kaga heynaa

Comments are closed.