Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Kismaayo laga soo sheegaya in ay ka jiraan???War ayaan idin kaga heynaa

one response
Wednesday November 23, 2016 - 10:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo ayaa saakay waxaa ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu soo gabagabeynayo Doorshooyinka Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Dowlad-goboleedka Jubbaland, iyadoo tirad guud ee Mudanayaasha halkaasi ka imaanaya ay yihiin 43-Mudane.

Musharraxiinta isku soo haray ayaa la filayaa in maanta u tartamayaan seddexda kursi ee ugu dambeysay, waxaana Jubbaland ay noqoneysa Dowlad-goboleedkii ugu horreysay ee soo afjarta Doorashooyinka Aqalka Hoose, haddeey maanta soo baxaan Xildhibaanadaasi.

Magaalooyinka Garowe, Jowhar iyo Baydhaba oo iyaguna heer gabogabo marinaya ayaa maanta la sii ambaqaadayaa Doorashooyinka Aqalka Hoose, balse waxaa maanta hakad la galiyey Doorashooyinkii ka dhici lahaa Magaalada Cadaado, taasoo lagu wado in maalinnimada berrito ah la sii ambaqaado.

Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer gobol oo kaashanaya Guddiga Amniga ayaa dardargelinaya habsami u socodka Doorashooyinka, taasoo rajo weyn laga qabo in waqtigii loogu talo galay ay ku soo gabagaboobaan dhammaantood.