Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Laga soo sheegaya in ay kusoo Dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Sunday October 16, 2016 - 10:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya deegaanka Qudus la yiraahdo oo qiyaastii 45KM dhinaca galbeed  kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose ayaa ku waramaya  in halkaasi ay ku soo dhacday Diyaarad  nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Dronska.

Warbaahinta ku hadasha afka  Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday Deegaanka Qudus ee gobalka Jubada Hoose ,waxay Alshabaab Waxay Shabaab barahooda Internetka  war ay soo dhigeen ku sheegeen  in diyaaradan laga leeyahay dalka Mareykanka ayna kusoo wargeliyeen dadka deegaanka markii ay diyaaradaasi soo dhacday.

Xarakada Al-Shabaab ayaa  sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarada islamarkana  diyaarada ay ka furteen Kaamirooyin Casri ah oo ku xirnaa sidee hadalka udhigeen.

Diyaaradan ku soo dhacday deegaanka Qudus oo ah nooca wax basaas ayan la ogeyn cida sida rasmiga u leh marka laga soo tago Hadalka Xarakada Alshabaab.