Animation

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Kenya Maanta Laga Soo Sheegayaa????

no responses
Friday September 16, 2016 - 7:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ayaa maanta xukun ku ridi dootna Haniya Saga Roggo oo ah Haweeneydii uu ka geeryooday Wadaadkii la dilay Sheekh Cabuud Roggo.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Maxkamada u sheegay in Haniya loo xiray xiriir toos ah oo ay la laheyd mid ka mid ah 3-dii Haween ee la dilay kadib markii ay weerareen saldhiga Booliska Mombasa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in loo heysto dambi ah in dhaqaale ay u uruurisay dad ku lug leh Argagixisada, iyagoo sheegay in la heyn doono 14 maalmood oo ah inta ay socoto baarista.

Qareenada Haweeneydan ayaa ka hor yimid codsiga dacwad oogaha, waxaana ay sheegeen in laga soo waday Gurigeeda iyadoo ku guda jirta Howlaheeda nolol maalmeedka ah.

Xaakinka Maxkamada Manuel Matunga ayaa sheegay in ay jiraan arimo culus oo ay soo bandhigayaan Dacwad oogayaasha iyo Qareenadaba, sidaasi awgeedna xukunka Maxkamada uu dhici doono maanta oo Jimco ah.

Haniya Saga Roggo ayaa xarigeeda wuxuu soo jiitay dad badan maadaama seygeeda aad loo wada garanayo.

Qaramada Midoobay ayaa Sheekh Caabud Roggo ku dartay liiska dadka gacan saarka la lahaa Al-shabaab, isagoo lagu eedeeyay in Qaaraan uu u uruurin jiray, Ciidana u qori jiray Al-shabaab.

Roggo ayaa ku dhintay Tacshiirad Rasaas ah oo lagu furay isagoo baabuur ku maraya wadada u dhaxeysa Mombasa iyo Malindi Bishii August 2012-kii.

Facebook Comments