Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Ka soo Baxay Kulanka Dhanka Taleefanka ah oo Dhexmaray Xasan Shiikh iyo Uhurru Kenyatta???? Warar hoose ayaan kuu heynaa

no responses
Saturday September 10, 2016 - 8:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ay heleyso k24 ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya Uhurru kenyatta uu Xiriir dhanka Taleefanka ah la soo sameeyay Madaxweyne Xasan Shiikh si uu kagala hadlo Joojinta Dowlada Soomaliya ay joojisay Qaadkii laga leeni jiray Dalka Kenya.

Afhayeenka dowlada Kenya ayaa sheegay in labada madaxweynaha wada hadal toos ah yeesheen si xal loogu helo mamnuucida jaadka oo saameyn dhaqaale ku yeelatay deegaanka Meru oo ah halka beeraha jaadku ku yaalaan.

Dowlada Kenya waxa ay isku Dayeysaa in ay Dib u bilowdo Jaadka ay soomaliya keni jirtay Maalinkasto si dhaqaalaheeda ay kor ugu kaco waxaana arintaasi hada soo fara galiyay Madaxweynaha Kenya oo Dhiggiisa Soomaliya Taleefan kula soo xiriiray si uu uga dhaadhicyo in Dowlada Soomaliya ay dib u furto qaadka ay Mamnuucday.

Inkastoo aan la ogeyn Natiijada ka soo baxday Kulanka Dhanka Taleefanka ah ee dhexmaray labada Madaxweyne hadana waxaa jirta warar sheegaya in Xasan shiikh uu ku adkeystay in Qaadka aanu imaan dalka soomaliya Mudada uu socdo shirka IGAD.