Animation

TOP NEWS” Maxaadan Ogeyn oo Jowhar ay u tageen Wafdi Isugu Jira Xildhibaano Iyo Hey’adda Culimadda Soomaliyed??? Warbixin ayaan idin kaga heynaa+Sawirro

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 4:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdigan ka socday Hay’adda culimada Soomaaliya, gudiga Dastuurka ee Barlamaanka, Gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaan, Gudiga Xaduudaha qaranka iyo gudiga dib u heshiisinta ayaa tagay magaalada Jowhar si ay ugu   kuur galaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Masuuliyiintan ayaa tagay hoolka shirka maamul u sameynta xili ergada shirka ay ku howlaneed ka doodista qabya qoraalka Dastuurka.

Gudoomiya Gobolka SH/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaaawe ayaa ku soo dhaweeyay wafuuda u timid shirka Jowhar, Gobolka SH/dhexe isagoo tilmaamay  inay rajaynayaan Guuleysiga shirka.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiiq Bashiir Axmed Salaad, Shiiq Cismaan Ibraahim Axmed iyo Cabdulkhaaliq Cabdulaahi oo ah xubin ka socday guddiga xaduudaha iyo federaalka ayaa bogaadiyay shirka ergada ay ku ansixinayaan dastuurka.

Gudoomiyaha Gudiga  dastuurka ee barlamaanka Soomaaliya  Xildhibaanad Maryan Cariif iyo G/k/xigeenka gudiga Arimaha Gudaha iyo amniga Barlamaanka XIldhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay is waafajinta qabya qoraalka dastuurka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo kan Qaranka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo federaalka Yaxye Cali Ibraahim oo gabagabdii sheegay in dowladda ay rajaynayso in shirku ku dhamaado jadwalka loogu talagalay oo ah in 15 ka bishan la soo xiro.vlcsnap-2016-10-03-18h31m59s133 vlcsnap-2016-10-03-19h18m32s149

vlcsnap-2016-10-03-18h31m19s252 vlcsnap-2016-10-03-18h31m01s56-1 vlcsnap-2016-10-03-18h30m21s183 vlcsnap-2016-10-03-18h30m15s102 vlcsnap-2016-10-02-15h13m20s100