Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 11:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayan in Kooxo Hubeysan ay Bambo Gacmeed ay ku weerareen Xarun Ciidanka Nabad sugida Jubbaland ay ku leeyihiin Xaafada Guul-wade ee Magaalada Kismaayo.

Bambada oo aheyd Nooca gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in wax qasaaro ah aysan ka dhalan iyadoona Ciidankii Nabad sugida Jubbaland ee lala beegsaday ay ka bad baadeen .

Ciidanka ayaa Bilaabay Howlgalo lagu baadi goobaayo Kooxihii Bambada ku tuuray Ciidanka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Howlgal la sameeyay lagu soo qabtay tiro dad ah oo looga shakisanyaay in ay ka dambeeyen weerarkaasi Bambada ah.