Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Galmudug ay ka tiri Dagaalkii Shalay ilaa Xalay ka dhacay Bariga Gobolka Mudug???

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 9:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Shalay ilaa Xalay Dagaal ay ka dhaceen Deegaano ku yaala Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa dagaaladaasi ka hadlay Maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku Xigeenka 1 aad ee Dhanka Siyaasada iyo Amniga Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed Ayaa Sheegay in Ciidan ka Tirsan puntland ay Dagaal ku soo Qaadeen Deegaanka Sarjimaale Halkaasi oo ku soo Weerareen Shacab Galmudug,

Wuxuu intaasi ku daray in Ciidanka Galmudug ay iska Caabiyeen Maleeshiyada Weerarka soo qaaday oo Puntland kasoo jeeda.

Guddoomiye ku Xigeenka kama uusan hadlin Qasaaraha ka dhashay Dagaalka gaar ahaan Galmudug dhankeeda qasaaraha ka soo gaaray Dagaalkii ka dhacay Bariga Mudug.

Maamulada Galmudug iyo Puntland maalmahan waxaa u dhaxeeyay Xurguf Siyaasadeed waxaana xiisada sii hurisay Markii Puntland ay ku dhawaaqday in ay xirtay Xadkii ay la  wadaagi jirtay Galmudug iyo Koonfurta Soomaliya.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka