Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Dhexmaray Musharax Shiikh iyo Danjiraha UK u qaabilsan Soomaliya Harriet Mathews?? War ayaan Idin kaga heynaa

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 1:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed ahna murashax u taagan xilka Madaxtinimada dalka ee sanadkan ayaa la kulmay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Harriet Mathews, iyaga oo isla soo qaaday xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ay ka dhacaan Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho, ayaa ugu horeyn waxay safiiradda UK ee Soomaaliya Harriet Mathews ay uga mahad celisay M/weynihii hore Shariif Shiikh Axmed sida uu uga aqbalay inuu ku booqdo xarunta safaaradda ingiriiska, iyada oo sidoo kalena uga warbixisay sida dowladdeeda ay uga go’antahay inay taageerto Soomaaliya.

Sidoo kale M/weynihii hore Shariif Sh AXmed oo haatan u sharaxan xilka M/weynaha Soomaaliya 2016 ayaa ku amaanay safiiradda iyo dowladdeedaba doorka ay ku leeyihiin taageeridda Soomaaliya, isaga oo uga mahad celiyey wada shaqeyntii fiicnayd ee ay la lahaayeen dowladdii uu M/weynaha ka ahaa iyo sida ay u garab istaageen in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xor ah lagana saaro dalka Soomaaliya xilligii kumeel gaarka.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday doorashada la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay waajib tahay in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loogu tala galay, oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhac cusub.