Animation

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Cawada ka Cusub Dagmada Qandala ee Gobolka Bari oo Saakay la Wareegen Kooxda Daacish ee Soomaliya???

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 9:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararkii ugu dambeeyey ee Cawada aynu ka helnay Magaalada Qandala ee gobalka Barri ayaa waxa ay sheegaya in ay Kooxdii Daacish ee Saakay Magaalada la wareegay ay Ilaa iyo cawa weli ku suganyihiin Bartamaha iyo daafaha Magaalada.

Magaalada Qandala ayaa Boosaaso waxa ay dhanka Xeebta u jira 80ML waana Deegaan Istaraatiiji ah .

Warar aanu ka helnay dadka magaalada ayaa sheegay in maleeshiyadaais ay calan ka taageen dhisme ku yaalla magaalada. Wax iska horimaad ah kama dhicin magaalada, mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa la sheegay inay ka baxeeen magaalada.

Wararku waxay intaas ku darayaan in odayaasha magaaladu ay la kulmeen Ciidankii Saakay Magaalada soo galay ayna ka dalbadeen in magaalada ay uga baxaan si dushooda loogu dagaalamin Balse Saraakiisha Maleeshiyada Hogaamineysa ayaa ku adkeystay in Magaalada aysan meelna uga socon oo ay kusii sugnaan doonan ilaa waqtiga ay doonan.

Wararka Hordhaca ah oo Jubaland24 ay ka heleyso Deegaanka ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Magaalada la wareegay ay tiro ahaan gaarayan ilaa 100-150 Dagaalyahano oo aad u hubeysan waxaana jira warar hoose oo iyaga sheegaya in Maleeshiyo kale ay magaalada kusoo wajahanyihin kuwaasi oo Magaalada kasoo gali doona Dhanka Xeebta .

Maleeshiyadan waxaa hoggaamiya wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo sanand ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay ururka Al-Shabab uuna ku biiray Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa ku wajahan Magaalada si ay uga saaraan Kooxda taageersan Daacish ee Magaalada Saakay la wareegay.