Animation

Top News: Maxaad kala socotaa Shakhsiga shalay isku dayay in Wafdiga Wasiir Diini uu ka hor istaago booqasho ay ku tageen Degmada Baledxaawo.

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 3:58 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

iyadoo wafdigii shalay gaaray Gobolka Gedo ee uu horkacayay Wasiirka gaashaandhigga janaraal Diini iyo xubnihii la socday ay ku soo nabad noqdeen magaalada Muqdisho ayaa hadane waxaa jiray caqabado iyo jilaafooyin siyaasadeed oo ay damacsanaayeen Maamulka Jubba ineey ku horjoogsadaan imaanshayaha wafdiga taas oo uu fashil soo wajahay.

Wafdiga Wasiir Diini ee Baledxaawo booqday ayaa inta aysan doolow ka cagadhigan kahor waxaa magaaladaasi soo gaaray xubno laga soo diray kismaayo oo uu horkacayay Cabdirashiid janan oo ka mid ahaa wasiiradii hore ee Maamulka Jubba.

Cabdirashiid janan ayaa damcay iskuna dayay Xubnaha wafdiga inuu ka horjoogsado ineey u gudbaan baledxaawo si aysan caalamka ugu soo bandhigin xaqiiqada halkaasi kajirtay maalmihii lasoo dhaafay,inkastoo Masuuliyiinta heerka qaran ee meesha socday ay kasii tashteen qaabkii ay uga hortagi lahaayeen cabdirashiid janan qorshihiisa iyo damiciisa oo ay ogaayeen in kismaayo laga soo qorsheeyey.

waxaana kadagitaankooda doolow kadib durbadiiba wasiir diini iyo wafdigiisa ay lakulmeen saraakiil itoobiyaan ah oo ay ku wargaliyeen ujeedka socdaalkooda, iyagoo u sheegay ineey xaqiijiyaan sugaana amniga wafdiga inta ay ka dhameysanayaan hawlahooda shaqo, arintaas oo cabdirashiid iyo xulafadiisa ku noqotay qaadanwaa inkastoo itoobiyaanka oo ay ka amarqaataan amar kaga yimid u ku kalifay inuu qeyb ka noqdo dadka wax kasoo kormeeray aaga uu muranka kajiro.

sikastaba damaca shisheeyaha uu ku doonaayo inuu ku qabsado dhul soomaaliyeed kasokow waxaaba shisheeyaha arimahaas kaga fara dhuudhuuban shakhsiyaad oo isticmaalaayo in lagu afduubto masiirka dadkooda iyo deegaankooda iyagoo loo sheego waxoogaa sandareero ah  iyo mansab aan jirin meel uu ka shaqeeyo.

 

Ugaar ah Kismaayo24 

nagala soo xiriir ireportk24@gmail.com

Facebook Comments