Animation

TOP NEWS: Maxaad kala socotaa Mooshin laga keenay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan???

one response
Thursday December 1, 2016 - 10:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG ah u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Mooshin Xilka qaadis ah qaar kamid ah Xildhibaanada Jubbaland ay ka gudbiyeen Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan.

Xildhibaanada Mooshinka Xilka qaadista ah ka keenay Maxamuud Sayid aadan oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in ay gaarayaan 36 Mudane.

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la sheegay inuu qabtay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale waxaa jira Warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu wado Qorshe Isku-shaandheyn loogu sameynayo Golaha Wasiirada Jubbaland.

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland weli ma sheegin inuu Aqbalay Mooshinka iyo in kale.