Somali News Top News

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa Dagaal Culus oo Galabta Gabal dhicii ka qarxay Duleedka Galkacyo Yuusa u Dhaxeeyaa????

Wararka ka Imaanaya Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw uu Halkaais ka qarxay Dagaal u dhaxeeya Laba Maleeshiyo oo ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday Tuulada Ceel Lahelay ee u dhaw deegaanka Bali-Busle ee duleedka magaalada Gaalkacyo waxaana lagu soo waramayan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad Xoolo dhaqato ah.

Goob joogayaal ayaa J24 u Xaqiijiyay Dhimashada 1 Ruux iyo Dhaawaca Seddex kale iyadoona dhinacyadii dagaalamay sidoo kale qasaaro ay soo kala gaareen .

Xiisad Colaada ayaa Maalmahanba waxa ay ka jirtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan Tuulada Ceel lahelay oo u dhaw Deegaanka Bali-Busle ee Duleedka Magaalada Galkacyo.

Iska horimaadkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Caano-Surale oo u dhaw deegaanka Ceel-Lahelay, iyadoo ay adag tahay in la ogaado xaqiiqada rasmiga ah Isgaarsiinta aagaas oo xun awgeed.

Related posts

WAR CUSUB: Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu ka soo qeybgaley Caleema saarka Madaxweynaha Uganda+Sawirro

admin

Wiil Soomaali ah oo Isku Qarxiyey Dalka Ciraaq.

admin

Warbixin: Sabaabtan ayaa yareysey qaraxyadii iyo weliba sidoo kale dilalkii qorsheysnaa ee Muqdisho ka dhacayay!!!

admin