Somali News

TOP NEWS: Maxaad kala socotaa Banaanbax looga soo Horjeedo Ciidanka Amisom oo Maanta Jowhar ka dhacay???

Wararka aynu ka heley no Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in Banaanbax Balaaran uu ka dhacay Maanta Bartamaha Magaalada Jowhar .

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday Ciidanka Amisom ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Banaan-baxa ayaa yimid ka gadaal markii Ciidanka Amisom ay Gaarigooda jiirsiiyeen Qof Dumar ah oo mareysay Bartamaha Magaalada Jowhar.

Dadka Banaanbax dhigayay oo u badnaa Haween iyo Caruur ayaa dalbanayay in la soo qabto Ciidamo AMISOM ee Jiiray Qofka Dumarka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo la hadlay Dadkii Banaanbaxa dhigayay ayaa u sheegay la soo qaaban doono Ciidamada AMISOM ee Gaadiidkooda uu jiiray Qofka dumarka ah.

Ciidanka Amisom ayaa Caado ka dhigtay in Shacabka Soomaliyed ay ku laayaan Baabuurtooda Gaashaaman waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Ciidanka Amisom ay jiireen Dad Shacab ah .

Related posts

Top News: Maxaadan ogeyn oo saakey Baardheere ka jira.

admin

Top News :- Faroole iyo Gaas oo Madaxtooyada Garowe ku wada qadeyeey,Kana Hadlay Shirka Kismaayo Kadhacaya

Tifaftiraha K24

Akhriso: Jadwalka shaqaalaha dowaldda ee bisha ramadan oo wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay soo saartay

Tifaftiraha K24