Somali News Top News

TOP NEWS: Maxaad ka ogtahay Sababata uu Madaxweyne Xasan Shiikh u tagaayo Dalka kenya?

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in goordhaw uu gaaro magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Madaxtooyada Soomaaliya ma shaacin sababta madaxweyne Xasan Shiikh uu u tagayo Kenya balsa warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha uu madaxda Kenya kala hadli doono arrimo la xiriira xeritaanka xeeryaha qaxooiga Soomaaliyeed ee u kuyaala waqooyi barri Kenya oo madaxada wadankaas ay sheegeen in dhamaadka sanadkaan la xerayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in aanay sax aheyn in qaxootiga dib loo soo celiyo, isla markaana ay dowladda Kenya kala hadlayaan arrinta qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya iyo qaramada midoobay ayaa ka walaacsan xeritaanka xeryaha qaxootiga ee wadanka Kenya oo kumanaan soomaali ah ay ku noolyihiin.

Lama oga waxa uu ka bedeli doono safarka Madaxweynaha ee Nairobi go’aanka dowladda Kenya xiritaanka xeryaha qaxootiga.

Related posts

Top News: IGAD Oo Arin Muhiim Ah Ku Taageerey Dowladda Soomaaliyeed (Tolow Maxay Tahay???)

Tifaftiraha K24

Alshabaab oo Jilib ku soo bandhigay Odoyaal loo tababaray toogashada (SAWIRRO)

Ahmed sudani

Dhagayso:- Shacabka Buuhoodle oo ka horyimid Ol olayaal doorasho oo uu leeyahay maamulka Soomaaliland

Tifaftiraha K24