Somali News Top News

TOP NEWS: Maxaad ka Ogtahay Balan qaadka uu Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug u Balan qaaday Ahlu-suna hadii ay….

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la galaan Maamulka Ahlu Sunna.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna ay ka qeyb gelinayaan Siyaasada Galmudug isla markaana ay xilal Muhiim ah ka siinayaan Maamulka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Galmudug ay u baahan yihiin in laga shaqeeyo Hormarintooda balse aysan u baahneyn in lagu kor dagaalamo, waxa uuna Maamulka AHlu Sunna ugu baaqay in ay ogolaadaan iney wada hadal la galaan galmudug.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa weli ku adkeysanaya in aysan wada hadal la geli doonin Galmudug, waxaana Maamulka Ahlu Sunna uu dhaliilsan yahay dhismaha Maamulka Galmudug iyo Siyaasada Maamulkaasi.

Related posts

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo ka Cusub Dalka Turkiga ka dib Afgambigii Fashilmay????

Tifaftiraha K24

XOG:- RW Cumar Cabdirashiid oo ku Wajahan Garowe iyo Soodhaweyn loo samaynayo

Tifaftiraha K24

Amisom oo qiratay in ay xasuuq u gaysatay shacabka Marka

admin