Animation

Top News: Maxaa Saacadan La Joogo Ka Cusub Sheekadii Manchester United Iyo Weliba Sidoo Kale Pogba (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Saturday August 6, 2016 - 3:15 under Arimaha Bulshada by Tifaftiraha K24
Spread the love

Paul Pogba ayaa la saadaaliyey in uu lacagta rikoorka adduunka ugu dhaqaaqi doono kooxda Manchester United Axada beri ah,

Xiddiga Khadka dhexe ee Juventus ayaa la qorsheeyay inuu uduullo England si uu tijaabada caafimaadka u dhameystiro.

Ciyaaryahanka reer France oo 23-sano jir ah ayaa £ 112m ugu biiri doona kooxdaUnited, iyadoo tababare Jose Mourinho uu u noqon doono saxiixii afaraad ee xagaagan suuqa uu ka qaato.

Mourinho oo ka hadlay shir jaraa’id shalay oo jimco ah waxa uu sheegay in uu diirada u saaran yahay kooxdiisa ciyaaryahankaan katirsan Juventus.

Tababaraha Manchester United ayaa cadeeyay ka hor inta uusan furmin xili ciyaareedka cusub ee United in ay dhameystiri doonto kooxdiisa saxiixa Pogba,

Manchester United ayaa tartanka Community Shield ku wajahaysa kooxda Leicester City maalinta beri ah.

Wargeyska Talyaaniga ah ee La Stampa ayaa xaqiijiyay in heshiiska uu yahay mid labada koox ay ku heshiiyeen, islamarkaana ciyaaryahanka uu uduulayo England si uu tijaabada caafimaadka kaga gudbo.

Facebook Comments