Somali News Top News

Xasaasi: Yaa Dilay Taliyihii Nabad Sugida Gobolka Shabeelada dhexe Maxaase loo dilay?????

Iyadoo Xalay Magaalada Jowhar Xarunta Nabad Sugida Dhexdeeda lagu dilay Taliyihii Nabad Sugida Dagmada Jowhar cabdi Wali Ibraahim Maxamad ayaa waxaa soo baxaya Warar kala duwan oo ku aadan Dilka Taliyaha.

Ninka dilay Taliyaha oo qudhiisa uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida ayaa tan iyo xalay waxaa baadi goob xoogan ugu jiray Ciidamada nabad sugida Jowhar waxaana suurta gashay in saakay ay Ciidamada gacanta ku soo dhigaan ninkii dilay Taliyaha waxaana lagu qabtay duleedka Dagmada Jowhar.

Maamulka Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa uu sheegay in ninkaasi hada uu gacanta ugu jiro hey’addaha Ammaanka waxaana ay sheegen in sharciga la horkeeni doono gacan ku dhiiglahaan dilay taliyihii Nabad sugida Dagmada Jowhar.

Dhinaca kale Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda Dilka taliyihii Nabad Sugida Gobolka Shabeelada dhexe Cabdi wali Ibraahim Maxmad waxaana shabaab ay sheegen in iyaga ay masuul ka yihiin dilkaasi.

Xaaladda Magaalada jowhar ayaa xalay ilaa saakay aad u kacsaneyd waxaana ciidamada Nabad sugida ay wadeen Howlgalo Ammaanka guud lagu xaqiijinaayo.

Related posts

Dhagayso:- Fashilka Idaaacada VOA oo bilowday isku dirka shacabka shabeelaha Dhexe iyo Hiraan

Tifaftiraha K24

SAWIRRO:Ciidamo saameyn kuyeelan rabo nolosha shacabka Muqdisho oo tababar losoo xiray

Mohamed Abdirashid Abaajo

DEG DEG: Dowladda Itobiya oo baajisay

admin