Animation

TOP NEWS: Maxaa ka jira in dowladda mareykanka si rasmi ah liiska argagaxisada uga saartay Mukhtaar Rooboow abuu mansuur?

no responses
Saturday June 24, 2017 - 11:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.

Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah.

Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu xurguf ay soo kala dhex gashay Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo Kooxda, isagoo sanado ku dhuumaaleysanayay miyiga Gobolada Baay iyo Bakool.

Dowladda soomalia weli kama aysan hadlin go’aankaan mareykanka oo liiska dadka la doon doonaayo uga saaray abuu mansuur oo ka mid ahaay mas’uuliyiinta ugu sar sareysay ururka alshabaab.

Facebook Comments