Animation

TOP NEWS: Magaalada Jowhar oo Maanta ay isugu Tageen Masuuliyiin Aan Caadi aheyn Tollow Maxaa ka Cusub Magaalada???+Sawirro

one response
Sunday November 20, 2016 - 1:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi Balaaran oo ay ka mid yihiin Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobey  Michael Keatin, Taliyaha ugu sarreeya Ciidamada AMISOM, Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud iyo Jen. Cabdullaahi maxamuud Gaafow iyo Guddoomiyaha  Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ujeedada ay Jowhar u tageen waxa ay la xiriirta shaqaaqadii habeen hore ka dhacdey magaaladaasi, xili ay socotay doorashada mudaneyaal Aqalka Hoose u tartameysay, siduu Warbaahinta qaranka u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud.

Wefdiga, ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddiga doorashooyinka Federaal ee dowlad gobolleedka Hir-shabeelle, Saraakiisha amniga iyo Waxgaradka ay ku jiraan Ergadii ku sugneyd markii ay shaqaaqada ka dhaceysay Jowhar.

Imaansha Wefdigan, ayaa daba socda hadal uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya oo uu ka digay in hub lala galo goobaha doorashooyinka, isagoo ku cel celiyey in la sugo amniga doorashooyinka sidii ay ugu dhici lahaayeen degnaansho.

1-1-1 2-1-1 3-1-1 3-1-2 4-1-1