Animation

TOP NEWS: Magaalada Galkacyo oo ka Bilowday Afduub Xoogan iyo Ciidamada Labada Maamul oo Maanta dad ka Afduubtay Suuqa……

no responses
Saturday October 29, 2016 - 4:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay kusoo waramayan Wararka aynu ka heleyn Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Galkacyo Gudaheeda ay ka Bilowdeen Afduub xoogan oo loo geysanaayo Dadka halkaasi ku Nool ee kasoo kala jeeda Koonfurta iyo Wuqooyga Galkacyo.

Suuqa Magaalada Gaalkacyo Waxaa ka Bilowday Afduub Ay Geesanayaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana jira Cabs xoogan oo dadka Galkacyo ku nool soo Foodsaartay.

Afduubka ay geesanayan Ciidamada labada Maamul ayaa waxa ay u Muuqata mid labada dhinac ay jawaabo isaga bixinayaan Afduubka Dadka Rayidka ah.

Wararkii Ugu dambeeyay ee aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in Maanta Galkacyo uu ka dhacay Kulan ay yeesheen Odayaasha labada Maamul kasoo jeeda waxaana ugu dambeyn la sheegay in odayaasha ay ku guuleysteen kala wareejnta Dadkii ay kala Afduubteen Labada Ciidan waa Puntland iyo Galmudug.

Xaaladda Magaalada ayaa Cawada aad u kacsan waxaana dadku ay dareemayan Cabsi xoogan oo ku aadan Mushkiladaan Cusub ee Afduubka ah oo kusoo Kordhay Magaalada Galkacyo oo Markii Horaba la Liiceysay Dagaal labada Maamul u dhaxeeya.