Animation

TOP NEWS: Madaxweyne Xasan Shiikh Muxuu ka yiri In Ciidamada Itoobiya ay Ka Baxayan Soomaliya?

no responses
Monday November 7, 2016 - 10:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay Wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga Dalka iyo Qaabka ay u socdaan Doorashooyinka Dalka qeybo badan oo ka mid ah ka socda.

Xasan Shiikh Mar la weydiiyay Sababta keentay in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Meelo ay ka joogeen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,weliba iyadoo lagu jiro Xilli adag oo Dalka Doorasho ay ka dhaceyso ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ku Jawaabay in Sababtu ay tahay isbadal lagu sameynayo Ciidamada Itoobioya ee Dalka Jooga kuwooda aan AMISOM ka midka aheyn islamarkaana lagu soo badali doono kuwo kale.

“Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka mid ah AMISOM oo Soomaaliya ka baxay ma maqlin ,waxaa jira Ciidan aan ku jirin Howlgalka AMISOM Balse Soomaaliya u jooga Heshiis Labada Dowladood ka dhaxeeya in ay dib ugu laabteen Itoobiya,waxaana Caadi ah in Ciidamadu ay Xilli kasta isbadalan oo kuwo ay Dalka dib ugu laabtaan kuwo Cusubna la keeno oo badal u ah kuwii baxay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Itoobiya aysan ka bixi doonin Goobaha ay Hadda Dalka ka joogaan illaa ay dhacdo Doorashada la filayo in ay dhacdo 30-ka Bishaan November .