Somali News Top News

TOP NEWS: Madaxweynaha Talyaaniga oo Musiibo weyn ku tilmaamay Dhalinyarada Soomaalida ee ku dhamaatay Bada

Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Matterella, ayaa Musiibo Daran ku tilmaamay Muhaajiriin Soomaali u badan oo ku dhamadaay Bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Masar Xili ay doonayeen in ay galaan Talyaaniga .

Waxaana uu tilmaamay ina tahriibka uu yahay Musiibo weyn wuxuuna sheegay in loo baahan yahay  Dowladaha Midowga Europe inay qaadaan tallaabo adag, si looga hortago inay mar kale masiibo ka dhacdo Badda Mediterranean-ka.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ku-dhawaad 400 Tahriibayaal u badan Soomaali geeriyoodeen, kadib, markii ay badda ku lumen, xilli ay ka soo shiraacdeen Xeebaha Masar, kuna sii jeedeen wadamada Europe.

Warbaahinta Talyaaniga waxay sheegeen inay Tahriibayaashaasi oo badankooda ay soomaali ahaayen in ay wateen ilaa doon waxaana mudo ay bada ku jireen ay doonta kula qalibanta Biyaha u dhaxeya Masar iyo Talyaaniga.

Sanad ka hor ayey aheyd Markii Tahriibayaal gaaray ilaa 700 uu markab kula dagay bada waxaana ay taasi dowladaha Yurub ku beertay walaac Badan.

Related posts

Maqal: Jawiga Suuqa Bakaaraha oo isbadalay iyo Madaxweyne Farmaajo oo goordhow gaari doona…

admin

DACWAD: Jubbaland oo Dacwad ka gudbisay Gobolka Banaadir, kadib Ciyaartii Shalay..

gurey

Dhagayso: Xubno katirsan Maamulka Ahlusunna oo kormeer ku maraya deegaano biyo la’aan ay ka jirto oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

admin