Animation

TOP NEWS: Madaxweynaha Jubbaland Kaalin Intee la eg ayuu ku lahaa Heshiiska Imaaradka ku dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland??

2 responses
Friday November 4, 2016 - 7:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warmurtiyeedka laga soo saaray magaalada Dubai ee casimadda dalka Isu tagga Imaaraadka Carabka, kuna saabsan dhiig-joojinta shacabka magaalada Gaalkacyo waa mid lagu diirsaday dhammaan umadda Soomaaliyeed, siiba inta samaha jecel. Mar hadii la isla fahmay in dagaal dhimasho iyo dhaawac, burbur iyo barakac mooyee aanan wax faaiido ah lagu gaareynin waa Allah mahadii.

Raadka Axmed Madoobe
Sida laga warqabo kulanka Dubai marka laga reebo Gaas iyo Guuleed oo ah labadi dhinac ee loo kala dab-qadayay, waxaa ka qeyb galay Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Hiirshabeele oo ah nin cusub oo aan wax badan kala soconin xaaladda.

Halkaas waxaan ka fahmi karnaa in Axmed Madoobe dussha u ritay qabsoomidda kulankan iyo horumarka laga gaaray. Sidoo kale dowladda martida loo ahaa ee Imaaraadka Carabta.

Raadka labaad ee muujinaya dowrka madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam axmed madoobe waa in gogoshi loo soo wareegiyay magaalada Kismaayo. Maxaa loogu qaban wayay caasimaddi dalka ee Muqdisho? Away madaxdii Qaranka?

Isku soo xooriyoo saameynta Axmed Madoobe ee ku aadan siyaasadda dalka Soomaaliya ma aha mid qarsoon, siiba arimaha dib u heshiisiinta.

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com