Animation

TOP NEWS: Madaxweynaha galmudug axmad ducaalle xaaf oo booqashadiisa labaad ku tagaya magaalada….

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 10:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Madaxweyne xaaf iyo wafdigiisa ayaa isku diyaarinaya u kictamida galkacyo iyadoona magaalada galkacyo laga dareemaayo u diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweyne xaaf.

Ammaanka magaalada galkacyo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkaya ciidamo badan oo waddooyinka magaalada gaaf wareegaya .

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa ka bixi doona Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Arimaha madaxweynaha uu galkacyo u tagi doono waxaa kamid ah in maamulka iyo shacabka galkacyo uu kala hadlo adkeynta heshiiskii cadaado ay ku wada gaareen isaga iyo gaas iyo wadatashi uu kala sameyn doono reer galkacyo hanaanka uu usoo dhisaayo golahiisa wasiirada.

Waa booqashadii labaad ee madaxweyne geelle uu ku tagaayo magaalooyinka galmudug tan iyo markii la doortay booqashadii koowaad wuxuu ku tagay magaalada caabud-waaq tan labaadna galkacyo ayuu ku tagaya madaxweyne xaaf.