Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Top News :- Macalin wax ka dhiga Iskuul Kenya oo 20-sano lagu xukumay

Maxkamada ku taalo Kenya ayaa danbi ah inuu ardaydiisa barayay Xagjirnimo iyo arimaha Jihaadka ku heshay Macalin Iskuul islaami ah wax ka dhiga,waxaana Maxkamada ay ku xukuntay 20-sano oo Xabsi ah.

Qaadiga Maxkamada oo lagu magacaabo Diana Mochache,ayaa sheegay in ninka la yiraahdo Samwel Wanjala Wabwile,sidoo kalena loo yaqaano Salim Mohammed lagu helay danbi ah xagjireyn ardayda wax ka barata Dugsiga Hoose/dhexe ee Gotani.

Sidoo kale,Mr Mochache,ayaa sheegay in Macalin Wabwile,Masjid ku yaalo Tuulada Gotani uu si qarsoodi ah ugu faafinayo ama kor ugu qaadayay Howlaha wuxuu ugu yeeray Xagjirnimada,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidanka amaanka Howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen Macalinka ardiisa barayay Howlaha argagixisada,sida uu Qaadiga Kenya hadalka u dhigay.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta dad Qorista Shabaab ay ka wadaan wadanka Bariga Africa ku yaalo ee Kenya,waxayna hada dadaal ugu jirtaa sidii isaga difaaca lahayd Kooxda Dowlada Islaamiga Daacish.

Al-shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo dadi badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ku qaaday dalka Kenya,ka dib markii ciidanka Kenya ay u soo talaabeen Soomaaliya.

Related posts

AKHRISO:- Wasaaradda Amniga DFS oo ka Hadashay Qaraxii ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ahmed sudani

Daawo Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo sheegey waxa uu salka ku hayo khilaafka xisbiga Kulmiye

admin

Xasaasi: Jubbaland oo Dil toogasho ku xukuntay Mud kamid ah Ergadii Kismaayo ku dooratay Xildhibaanada Aqalka Hoose+Sababta iyo Magaciisa

Tifaftiraha K24