Animation

Top News: Maamulka Koofur Galbeed oo Ciidamo u sameynaya gobalka…………..

no responses
Wednesday September 2, 2015 - 8:25 under Somali News by admin
mqdefault

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Amaanka Degaanada Gobolka Shabellaha Hoose ay diyaarinayaan si looga baaqsado Weerarada Joogtada ah ee Gobolka ay ka geeystaan Al-shabaab.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/qaadri Cashar Nadaara oo la hadlay KNN Muqdisho Soomaaliya ayaa sheegay in hada ay socdaan Qorshe Ciidamo Suga Amaanka Gobolada Baay iyo Bakool,kadibna la guda gali doono Ciidamada loo sameynayo Gobolka Shabellaha Hoose si loo Xaqiijiyo Amaanka Gobolka loogana hortago Weerarada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Weeraro joogto ah ku soo qaada Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaana Al-shabaab Weerarkii ugu danbeeyay ay ka Fuliyeen Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.