Animation

TOP NEWS: Dhageyso Maamulka Jubbaland oo ka Hadashay Dib u dhaca Markii Labaad ku yimid Doorashooyika Xili ay jiraan Walaac laga…..

no responses
Thursday September 29, 2016 - 9:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa labo jeer dib u dhigay xilligii doorashada la qaban lahaa, waxaana jira walaac laga muujinayo dib u dhacan.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaliya uu muujiyay inuu ka walaacsan yahay dib u dhaca xilliga doorashooyinka.

Xubnihii aqalka sare ee Senate-ka ee ay ahayd in ay soo gudbiyaan maamul goboleedyada ayaa ugu horreeya doorashooyinka la qaban doono.

Hadaba Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Wareysi dhinacyo badan siiyay Laanta Afka Soomaliga ee BBC ayaa waxa uu ka hadlay Dib u dhaca Doorashada iyo sida Jubbaland ay u aragto in Doorashada y dib u dhacdo laba jeer.

Maxamuud sayid Aadan waxa uu sheegay in Jubbaland ay ku jirto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee so xulista Xildhibaanada Aqalka sare ee Jubbaland ka imaanaya .

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka oo wax laga weydiiyay dib u dhaca doorashada ayaa ku sheegay in ay jiraan Caqabado xoogan oo ka taagan dhanka soo xulista Xildhibaanada Aqalka sare Maadama Beelaha qaar ay qabaan dhaliil xoogan iyo in ay jirto in Maamul goboleedyada ay ku dadaalayan sidii ay u qancin lahaayen Beelaha qaba dhaliisha.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland