Animation

Top News: Maamulka Jubbaland Oo Guurdoonka Kismaayo u Daneyey Kadib Markii Uu Amaradan Soo Saarey (Tolow Maxay Yihiin??)

no responses
Thursday September 15, 2016 - 6:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu sheegay inay la yaabeen arin dhowr jeer ka dhacday Kismaayo.

Waxa uu Amray Ciidanka Amniga qaabilsan inay soo xiraan Labada Arooska ah iyo sodoh kuwa u ah hadii lagu arko labo baabuur ka badan iyagoo Arooskooda galbinayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mamnuucay baabuurta tirada badan ee lagu galbiyo Aroosyada Xaafadaha Kismaayo oo Maqribkiina Salaada lagu aadiyo dadkuna ku habsaamaan.

Waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Aroosyada Labo gaadiid kabadan lagu galbiyo islamarkaana ay halis Amni mararka qaarkood sameeyaan rasaasta dabaal degyada Arooska loo rido.