Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Top News: Liyu Police oo dagaal ku billaabay Shariif Xasan!!!

Wararka aan ka heleyno dhanka Deegaanka Aato ee Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in halkaasi ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan Liyuu Police ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ciidamadaani ayaa guryo halkaasi ku yaalla kala baxay ku dhawaad 25 ruux oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo aan la ogeyn ujeedka laga lahaa xarigooda.

Xildhiban Dubad Max’ed Dhaqane oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa sheegay in dadkaasi la xiray ay yihiin kuwo taageero u ahaa maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga xunyihiin in Ciidamo taabacsan Dowlada Ethiopia ay xiraan shacab taageero u ah maamulka Koonfur galbeed, waxa uuna farta ku goday in qorshaha lagu xiray ay wateen shaqsiyaad ka tirsan maamulka Bakool Sare ee dhawaan ay dhisteen Beesha Ogaaden, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in khilaafka ka dhexeeya maamulka Koonfur galbeed iyo Bakool Sare uu saameyn ku yeesho dadka deegaanka.

Related posts

Akhriso: Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Muxuu ka yiri Weerarkii lagu qabtay C/raxmaan Cabdi Shakuur

admin

War Hada: Rag lagu Eedeyay in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish oo Maanta lagu Maxkamadeeyay Magaalada….

Tifaftiraha K24

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

admin