Animation

TOP NEWS: Kursi doorashadiisa ay horay u sababtay dhaawac iyo Is rasaaseeyn ayaa maanta waxa lagu qaban doona Magaalada Muqdisho

no responses
Saturday February 4, 2017 - 7:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dugsiga Sare ee Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ee Magaalada muqdisho waxaa maanta lagu qabanaya doorashada kursi kamid ah 5-tii kursi ee guddiga doorashada uu horay ugu celiyay maamul goboleed-yada kadib markii musuq maasuq iyo wax is daba marin lagu helay.

Kursigaan oo ah kan beesha Jidle ay ku laheyd Aqalka hoose ee hirshabeele ayaa waxaa doorashadiisa maanta ay ka dhici doonta magaalada muqdisho.

Doorashada Kusigan Beesha Jidle ayaa waxaa ku tartamaya illaa lix Musharax oo labo ka mid ah ay yihiin Haween, iyadoo ay ku jiraan Musharaxiintii horay looga joojiyay Tartankan kursigan oo loo ogolaaday inay ka qeyb galaan dib u doorashada kursigan.

Musharixiin lix gaareysa ayaa kursigaan ku tartami doonta labo kamid ah waa dumar oo raadaceynaya in ay kusoo baxaan doorashada waxaana xusid mudan in wasiir nuux uu markale kursigaan u tartami doono.

Doorashada kursigan ayaa ka mid ahaa kuraastii ugu muranka badnaa, iyadoo ay shaqaaqo sababtay dhaawacyo oo ka dhacday Jowhar.

Halkaan ka aqriso Liiska Musharixiinta u tartameysa kursiga beesha Jidle.