Animation

TOP NEWS: Kulan Xasaasi ah oo Muqdisho ku dhexmaray Xildhibaanadii xilka ka qaaday Guulled iyo Beesha Caalamka Maxaase ka soo baxay???

no responses
Sunday January 29, 2017 - 6:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii dhawaan Xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka waxaana ay ka hadleen Arrimo dhowr ah oo la xariira Xaaladda ka jirta Galmudug.

Xildhibaanada soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Hogaaminaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cabdi Xareed,waxaana Warar aan helnay ay sheegayaan Kulanka Labada dhinac in uu ku soo dhamaaday  is Afgarad.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sidoo kale Kulanka Xildhibaanada Galmudug iyo Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay uga wada hadleen in la kala duwo Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo tan Dowladda Dhexe oo Isku Xilli ahaa,waxaana Beesha Caalamka ay ka Codsatay Xildhibaanada Galmudug in ay dib u dhigaan Doorashada Galmudug,iyadoo Wararku ay sheegayaan in Xildhibaanadu ay Aqbaleen.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Galmudug ayaa horay u sheegay in 8 Bisha soo socota ay qabanayaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.