Top News: Kulan ka dhacay Villa Soomaaliya oo dhexmaray Axmed Madoobe Iyo Siyaasiyiintii Mucaaradsanaa Maamulkiisa “faafaahin”

0

Kulan albaabada u xirnaa oo ay Saxafadda Dibad joog ka aheyd ayaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya waxa uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka gedo ee ka hor imaadsanaa Jiritaanka Maamulkiisa.

Hogaamiye madoobe oo kulanka Codsaday ayaa waxaa la kulmay Gudi ay soo xuleen Hogaamiyayaasha Mucaaradka kuwaas oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Magan, Siyaasiga Cabdishire,Maxamuud Sayid aadan iyo Sheekh Awlibaax, iyadoo kulankaasine uu ahaa mid la isku dibooday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa kulankan dabada ka riixayay wuxuu horudhac u ahaa shir 12-ka bishaan oo ku beegan Maalinimada Sabtida ah la filaayo inuu ka furmo Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu wado in lagu soo afjaro Ismarinwaagii siyaasadeed ee kajiray Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa garowsaday in hadii sidaan lagu sii jiro ineysan muuqaneyn xal in lagaarayo taasi badalkeedane waxa uu tilmaamay inuu hadda diyaar u yahay wada hadal dhexmara isaga iyo siyaasiyiinta diidan Jiritaanka Maamulkiisa.

Dhinacooda SIyaasiyiinta Ree Gedo ayaa ku adkeystay in lafuliyo dhamaan qodobada ay doonayaan in looga wadahadlo shirka nabadeynta ree Jubaland, iyadoo halkaasine uu Axmed Madoobe ka balanqaaday Fulinta Qodobada ay cuskadeen Hogaamiyayaashani.

Sikastaba waxaa muuqaneysa ifafaalo isu soo dhawaansho oo ka dhexdhacda ree Jubaland waase hadii dhinacyadu ay daacad ka noqdaan fulinta ajandayaasha miiska saaran.

Kismaayo24 kala soco wararka xaqiiqada ah ee ku saabsan Arimaha Jubooyinka.