Animation

Daawo sawirada: Kulan hordhac u ah shirka dib u heshiisiinta Beelaha jubooyinka oo ay beesha Sade ku yeelatay Magaalada Kismaayo.

no responses
Wednesday November 25, 2015 - 7:43 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Kulan shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo Ayna kasoo qeybgaleen siyaasiyiin,waxgarad, dhalinyaro Iyo haween kasoo Jeeda beesha Sade Ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kulan ka waxaa kasoo qeyb galay xubnaha siyaasad ahaan taabacsan Maamulka Jubba, sida xildhibaanada beesha ee ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiyiin qeyb ka ah shirka dib u heshiisiinta ee jubooyinka ee dhawaan furmaya oo ay kamid yihiin cabdiqani Sheekh Cali diini, Saahid qodhob oo ah lataliyaha Wasiirka gaashaandhigga, Sheekh Maxamed awlibaax Gudoomiyaha ahlusuuna Iyo Masuuliyiin kale.

Kulan ka Ayaa lagu gorfeeyey sidii beesha Sade iyadoo mideysan ay uga qeyb qaadan laheyd shirka dib u heshiisiinta,ee dhawaan furmaya Ayaa Kusoo idlaaday sidii loogu talagalay.

Dhinaca kale xubnaha ka soojeeda beesha Sade ee ka tirsan Maamulka Jubba Ayaa loo xaqiijiyey ineysan wax cabsi ah ka qabin loona socon xilalka ay hayaan taas badalkeedane waxaa loo sheegay iney iyagune kasoo dhalaalaan masuuliyada ay huwanyihiin.

Gabagabadii kulankane waxaa lagu balamay raadinta Iyo kamira dhalinta saamigii beesha Sade ee Jubaland oo waqtiyadii dambe ahaa mid aan muuqan.

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

Facebook Comments