Somali News Top News

TOP NEWS: Kooxo Hubeysan oo Goordhaw Magaalada Galkacyo ku dilay Injineer Eng. Cumar dheere oo Xilal kala duwan haayay

Waxaa goordhawayd Salaadii marqib ka dib magaalada Gaalkacyo toogasho lagu dilay Eng. Cumar Cabdulle Oo aad looga garanayo Gaalkacyo.

Eng. Cumar dheere, waxaana la dilay xilli uu salaaddii maqribka kasoo baxay.

Dabley hubaysan ayaa Injineerka ku dishay bannaanka masaajidka Salaama ee xaafadda wadajir, waxaana islamarkiiba goobta ka baxsaday raggii dilka haystay oo ku hubaysnaa bistoolado.

Eng. Cumar dheere waxaa uu isku hayey masuuliyado kala duwan waxaana ka mid ahaa, Guddoomiyaha Guddiga ganacsatada ee gobolka mudug, Guddoomiyaha guddiga dhismaha wadada wadaagsin, guddoomiye ku xigeenka guddiga sanduukha horumarinta gobolka Mudug, iyo xubin ka mid ah masuuliyiinta shirkadda isgaarsiinta Somtel ee gobolka mudug.

Maamulka Magaalada Galkacyo weli kama aysan hadlin dilka Caawa loo geystay Injineer Cumar Dheere oo Galkacyo si weyn looga garanaayo.

Related posts

aqriso halka ay ka soo kala jeedaan Gudiga farasamada Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe

admin

TOP NEWS: Dowladaha Islamka oo ka Arinsanaya in Soomaaliya laga gacan siiyo la dagaalanka Argagaxisada

admin

Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya birri u gudbin doonto Maxkamadda Caalamiga

admin

1 comment

Comments are closed.