Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Top News: Kenya oo cidaan Al-shabaab aheyn sheegtey in ay ka danbeyaan xasuuqii loogu geystey Ceelcade (Tolow yey heystaan??)

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Saraakiil sare sare oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa Daabacay in Kenya ay aaminsan tahay in Kooxda Daacish ay laheyd Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceel-cadde 15-kii Bishaan.

Saraakiisha ayaa u sheegay Wareyska in Weerarka oo Aad u awood badnaa iyo Hubka loo Adeegsaday Ciidankooda uu u Ekaa midka ay qaadaan Kooxda Isku magacowday Khilaafada Islaamka Ee Daacish.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay baarayaan qaabka uu u dhacay Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhiga Ciidamadooda ay ku lahaayeen Degaanka Ceel-cadde islamarkaana geystay  Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.

Weerarka Ceel-cadde ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab iyagoo shaaca ka dhigay in ay ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.12 kalana ay Nolosho ku hayaan.

Kenya wali ma sheegin  Dhimashada iyo Dhaawac ka soo gaaray Ciidankeeda Weerarkii Ceel-cadde,iyadoo Garoonka Diyaaradaha Wilson Air-ports  Ee Magaalada Nairobi laga dajiyay Meydadka Afar Askari oo Kenyan ah iyo 30 Askari oo ka mid ahaa Ciidankii lagu lahaa Dagaalkii Ceel-cadde.

Related posts

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shir ay beesha Sade yeelatay

admin

SAWIRO: Daawo Oo Nala Arag Qaar Kamid Ah Sawiradii Laga Soo Qaadey Gaarigii Shacabku Saarnaayeen Ee Miinadu Kula Kacdey Lafoole!!

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Waraysi k24 Garaad C/laahi Cali Ciid " Shirkii Garowe Dastuurka Dalka Ayuu ka Hor imaanaya "

admin