Animation

Top News; Dhageyso Jubbaland Oo War Culus ka soo saartey Dagaal Ay Al-shabaab Kula Jirtey, Iyadoona………………..

no responses
Saturday September 10, 2016 - 6:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa shaaciyay in Goordhaw ay Bilaabaya Howlgal Culus oo ka dhan ah Deegaanada ay shabaabka kaga suganyihii Jubbada Dhexe.

Afhayeenka Hey’adda Nabad sugida Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo xoogan oo ay Al-Shabaab ka saaraayaan gobolka Jubbada Dhexe.

Axmed Carab Afhayeenka laamaha amniga maamulka Jubbaland ayaa Xusay in ay u diyaar garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan dhammaantiis Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa dadka shacabka ugu baaqay in aysan argagixin oo aysan la qixin shabaabka halkaasi ka ordaaya hadii ay arkaan ciidanka oo kusoo wajahan waxaana dadka shacabka uu ka dalbaday in ay garab siiyaan ciidanka Huwanta oo ku soo wajahan deegaanadooda.

Gobolka Jubbada Dhexe waxaa Badankiis gacanta ku haaya Alshabaab iyadoona Jubbaland ay hada sheegeyso in deegaanada iyo dagmooyinka Jubbada dhexe Goordhaw Alshabaab ay kala wareegi doonan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Af-hayeenka